663 Views

Safashadiisii labaad ee ugu horreysay Cristiano Ronaldo ee Kooxda Manchester United oo dib u dhici karta.

Safashadiisii labaad ee ugu horreysay Cristiano Ronaldo ee Kooxda Manchester United oo dib u dhici karta.
____________________________________________________________________________

Talaado:September 7, 2021

  Sida wararku ay sheegayaan Cristiano Ronaldo waa inuu sugo illaa Talaadada soo aaddan si uu safashadiisii labaad ee ugu horreysay ugu ciyaaro Kooxda Manchester United.

36-sano jirkaan reer Portugal ayaa lagu wadaa inuu todobaadkan tababarka la qaato xiddigaha Kooxdiisa Man United kaddib shan maalmood oo karaantiilka Korona Fayras la geliyey.

Wargeyska The Sun ayaa warinaya in Ronaldo uu heli doono waqti yar oo uu ugu diyaar garoobo kulanka Premier League ee ay Sabtida soo aaddan garoonka Old Trafford kula yeelan doonaan Kooxda Newcastle.

Ronaldo ayaa laga yaabaa inuu soo fariisto kursiga keydka kulanka Newcastle, iyadoo Ole Gunnar Solskjaer uu sugayay labo isbuuc si uu u siiyo Raphael Varane safashadiisii ugu horreysay kaddib markii uu kaga soo biiray Real Madrid 41 milyan oo gini.

Ronaldo ayaa filan kara inuu ku soo bilowdo kulanka muhiimka ah ee ay Man United u safreyso Switzerland Talaadada soo aaddan marka ay Bern kula ciyaari doonaan Kooxda Young Boys kulan qeyb ka ah Champions League.

Ronaldo ayaa si rasmi ah ugu biiray Red Devils markii uu 19.8 miyan oo gini uga soo wareegay Juventus, 12 sano ayuuna ka maqnaa Old Trafford, markii uu kaga dhaqaaqay kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Xiddiga Portugal ayaa laga soo fasaxay waajibaadka xulkiisa qaranka horraantii todobaadkan, waxaana uu Khamiistii ka soo dagay Magaalada Manchester.

CR7 ayaa la geliyey karaantiil isaga iyo qoyskiisa ka hor inta uusan saaxiibadiisa cusub ee Manchester United kula biirin tababarka Kooxda.

Weeraryahankii hore ee Real Madrid iyo Juventus ee Ronaldo waxaa safarka ku wehliyey saaxiibtiis  Georgina Rodríguez & Carruurtiisa kala ah Cristiano Ronaldo Jr. oo 11-sano jir ah, Alana Martina dos Santos Aveiro oo 3 jir ah, Eva Maria Dos Santos oo 4 jir ah iyo Mateo Ronaldo oo 4 sano jir ah.

Si kastaba ha noqotee, Wargeyska The Sun ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa warinaya haatan in safashadiisii ugu horreysay Ronaldo ee Kooxda Man United ee soo laabashadiisa ay dib u dhici karto kulanka Newcastle, balse ay hubaal tahay inuu ciyaari doono kan Champions League ee bartamaha todobaadka soo aaddan oo ay ka horjeedaan Young Boys.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post