1107 Views

Wasiirka Gaashaandhigga oo wada hadal Aaladda Fogaan kula yeeshay Ergada Qiimeynta Amniga ee Q.midoobay

Wasiirka Gaashaandhigga oo  wada hadal Aaladda Fogaan kula yeeshay Ergada Qiimeynta Amniga ee Q.midoobay
____________________________________________________________________________

Talaado: july 27 2021

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa wada hadal Aaladda Fogaan aragga ee (Zoom-ka) kula yeeshay Ergada Qiimeynta Hawlgalka Qaramada Midoobay ee ku aadan ‘Rule of Law Sector in Somalia’.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda amniga ee Soomaaliya, gaar ahaan howl-galada ka dhanka ah dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Wasiir Xasan ayaa carabka ku adkeeyay intii uu kulanka socday ahmiyadda iyo mudnaanta ay leedahay hirgalinta STP, iyadoo si wanaagsan loola jaan qaadayo dhamaan Wasaaraddaha ay khuseyso.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo qaaday baahida loo qabo dhisidda awoodda hay’adaha Amniga ee dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post