213 Views

Faah faahino ka soo baxaysa qarax ka dhacay albaabka laga galo Xirada Tababarka Ciidanka Jeneraal Dhagabadan oo u dhaw Warshadii Nacnaca

Faah faahino  ka soo baxaysa qarax ka dhacay albaabka laga galo Xirada Tababarka Ciidanka Jeneraal Dhagabadan oo u dhaw Warshadii Nacnaca
____________________________________________________________________________

Axad: September 25, 2022

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay albaabka laga galo Xirada Tababarka Ciidanka Jeneraal Dhagabadan oo u dhaw Warshadii Nacnaca ee degmada Wadajir.

Goobjoogeyaal ayaa soo sheegaya in qaraxa uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa, isaga oo beegsaday dhalinyaro isu qoraysay Ciidanka, kuwaa oo saf kaga jiray mid kamid ah Albaabada laga galo xirada Jeneraal Dhegabadan.

Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo qaraxa ka dhashay, balse ilaa hadda ma cadda tirada rasmiga ah.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. Laamaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post