1740 Views

Guddiga Arrimaha Gudaha & Amniga Golaha Shacabka Oo La Kulmay Wasiirka Amniga Iyo Taliyaha NISA

Guddiga Arrimaha Gudaha & Amniga Golaha Shacabka Oo La Kulmay Wasiirka Amniga Iyo Taliyaha NISA
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 28, 2018 – Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumada Soomaaliya iyo Taliyaha nabad sugidda.

Wasiirka amniga iyo taliyaha nabad sugidda ayaa guddiga arrimaha gudaha iyo amniga la wadaagay warbixin ku saabsan xaalada guud ee amniga dalka.

Sidoo kale waxa ay ugu warbixiyeen howlgalada amniga lagu xaqiijinayo ee dalka ka socda iyo isbadalada ay wasaarada amniga wado ee la xiriira sugidda amniga.

Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in ay socdaal qorshayaal wax looga badalayo hanaanka amni sugidda caasimada.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Guddiga amniga Baarlamaanka uga warbixiyay isbedelada lagu sameeyay Taliyeyaasha Ciidamada qaar iyo hawlgalada socda.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax (Geeseey) oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dhaqam gelinayaan qodobadii ay ka wada hadleen Wasaarada amniga.

Waxa uu sidoo kale sheegay in wasaarada amniga ay kala hadleen qaabka loo wajahayo howlgalada cusub ee la qorsheynayo in amniga dalka lagu sugo.

“Maanta oo ay taariikhda tahay 19/July/2018, Guddiga arrimaha gudaha iyo Amniga, wuxuu la kulmay Wasiirka Amniga Gudaha Taliyaha NISA iyo xubno kale oo la socday,waxaana ka wada hadalnay arrimaha amniga iyo xaaladda amniga hadda uu marayo wax badan oo xog ahna waan iska weydiinay Insha Allah wax yaabihii aan ka wada hadlnay intooda badan waa isla fahamnay, marka kullanka maanta waxay ahayd ujeedadiisa ugu weyn in amniga laga wada hadlo iyo arrimaha quseeyo.” Ayuu yiri Xildhibaan (Geeseey).

1 2 3

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment