3321 Views

Munaasabad Lagu Soo Xirayay Barnaamijka Wadajired Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Munaasabad Lagu Soo Xirayay Barnaamijka Wadajired Oo Muqdisho Lagu Qabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho,18 March 2016: Ku simaha Ra’isul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaalada ee Xukuumada Soomaliya Wasiiro iyo Xilibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, saraakiisha ciidmada Amniga,  wakiila ka socday Maamul goboleedyada dalka ka jira Fanaaniin iyo ururada bulshada rayidka ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo xiray Barnaamijka Wadajired ee Hanaan Heer Qaran ee Dowlada Hoose kaasi oo muda laba maalin ka socday magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Xubnihii  ka socday Gobolada dalka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarka dalka si looga gudbo dhibaatooyinka qaar ee ka jira dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Mudisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sheegay  in laga qeyb qaato Horumarka ka socda  caasimada islamarkaana Gobol kaste oo dalka ka mid ah uu helaa Xaquuqdiisa.

“Waxaa wanaagsan in qof kaste oo helaa shaati ama dhar ku fac ah sidaas si lamid ah waa in gobal kastaa uu helaa waxa uu xaqa u leeyahay, Muqdisho waxaa haatan ka socda horumar kale duwan hadey ahaan laheyd dib-u dhiska iyo qorshayaasha kale ee haatan socda” Ayuu Yiri Guddoomiye Madaale.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Dowladda Soomaliya Mudane  Cabdirashiid Maxamed Xidig  waxa uu sheegay in Wasaaradda Arrimaha gudaha ay ka shaqeyn doonto sidii la isugu xiri lahaa gobalada dalka.

“Kulamo iyo munaasabado tan la mid ah ayaa lagu qaban doonaa magaalooyinka gobalada dalka si loo horumariyo hanaanka gobalada dalka  waxaa madasha haatan ku sugan xubna ka socda gobolada dalka, iyaguna waxey ka shaqeyn doonaan sidii loo mideyn lahaa bulshooyinka ku nool gobolada Soomaliya” Ayuu Yiri Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dalka.

Ku simaha Ra’isul wasaaraha ahna Wasiirka cadaalada ee Dowladda Soomaaliya C/llaahi Axmed Jaamac Ilkajiir ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyed iyo dadka dhaqaalaha heysta iney  gurmad gaarsiiyan dadka Soomaaliyed ee ku nool qaar ka mid ah gobalada ay xiligani  abaaruhu ka jiraan. Ayuu intaa raaciya Ilka Jiir.

12790897_1687841471454605_2750787980669038517_n6896_1687838564788229_7539087565368287935_n1555523_1687841161454636_3143455938344576346_n1600975_1687840664788019_4395824488558677187_n1914578_1687838008121618_4573983973484299065_n

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment