1422 Views

Ganacsatada Soomaaliyeed Ee Koonfur Afrika Oo Balan Qaad Cusub Loo Sameeyay

Ganacsatada Soomaaliyeed Ee Koonfur Afrika Oo Balan Qaad Cusub Loo Sameeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 16, 2019 —Danjiraha Safaarada Soomaaliya ee Dalka koofur afrika Jamaal Maxamed Barrow ayaa waxaa uu Magaalada Cape town kula Kulmay Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee Magaaladaasi, kuwaasi oo goobahoodi ganacsi Bililiqo iyo Boob ay u geysteen dadka deegaanka ee Xaafadaha Nomzamo iyo Lwanda oo ku yaala Tuulada Strand oo ka mid ah Magaalada Cape town.

Safiirka ayaa waxaa uu Booqday goobihii Ganacsi ee Soomaalida Strand lagaga boobay, Halkaas oo uu warbixinno arinkaan la xariira uu kaga dhegeystay Soomaalida.

Ugu dambeyn safiirka ayaa ka ballan qaaday Ganacsatii uu La kulmay in uu dhibaatadooda u gudbin doono Dowladda Soomaaliya, si ay Dowladda Koofur Afrika ugala hadasho dhacdooyinkaasi soo noq-noqday ee jinsi naceybka ku salysan, inta badannna lagu barakiciyo dadka ajaanibta ahi, waxuuna Sidoo kale Safiirka ugu baaqay Soomaalida in ay ka Foojignaadaan xilliyada ganacsigooda boobka loo geysananyo fal dambiyeedyo laga yaabo in ay xaaladda uga sii daraan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment