1449 Views

Mala xaliyey tabashooyinka Maamul goboleedyada ?

Mala xaliyey tabashooyinka Maamul goboleedyada ?
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 09, 2018Isaga oo ku sugan Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka Maamulka Jubbaland ayuu Gudoomiyaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi sheegay in guullo weyn uu kasoo hoyiyey sababta uu u tagay Kismaayo.

Waxa uu sheeegay in isaga iyo wafdigiisa ay xaliyeen tabashooyinka Jubbaland ay u qabeyn  dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxa uuna intaas ku daray in kaliya ay u harsantahay in ay si fool ka fool ah isku soo hor fadhiisiyaan.

Gudoomiye Cabdi Xaashi  ayaa ku nuux nuuxsaday in jubbaland ay diyaar u tahay Soomaalinimo in wax waliba lagu xaliyo sidaasi darteedana ay kaga aqbaleyn waan waanta ay wadeyn ee lagu xalinaayey khilaafka soo jiitamay ee kala dhaxeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Maamulka jubbaland ayaa horaan kaga hor imnaaday hadal kasoo yeeray guddiga xalinta khilaafka dowladda dhexe iyo dolwad goboleedyada dalka ka jira, ilaa iyo haatana Jubbaland si toos ah kagama aysan jawaabin hadalka kasoo yeeray iminka gudoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment