1068 Views

Daraasad sheegtay in dad ka badan afar milyan ay Hindiya ugu dhinteen Covid 19

Daraasad sheegtay in dad ka badan afar milyan ay Hindiya ugu dhinteen Covid 19
____________________________________________________________________________

Talaado: July 20 2021

Daraasad cusub ayaa sheegaysa in geerida xiriirka la leh xanuunka koroonaha ee dalka india ay 10 goor ka sarrayso tirooyinkii rasmiga ahaa ee dhigayey inay tahay 450,000.

xarun maraykanka ku taalla oo la yiraahdo centre for global development ayaa qiyaas ka soo saartay tirada dheeraadka ah ee dadka dhintay intii uu cudurku jiray, ayadoo la eegayo inta qof ee dhintay halkii laga eegi lahaa sida caadiga ah tirada la filayo.

Baarayaasha daraasaddan ayaa sheegay in tani ay tahay masiibadii ugu xumayd ee bani’aadminimo ee soo martay Ind ia tan iyo markii ay gobannimada qaadatay.

In kasta oo ay adag tahay in la sheego tirada dhimashooyinkaas uu sababay Covid-19, haddana waxay cabbir u yihiin guud ahaan saamaynta cudurkan, waxaa sidoo kale laga baqayaa in kiisaska dhimashada ay ka badan doonan kuwii sanadkii la soo dhaafay.

Dalka Hindiya ayaa wuxuu ka mid yahay waddamada ugu dhaqaalaha yar dunida ee uu sida weyn u saameeyay cudurka safmarka ee Covid-19.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post