423 Views

Doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Lagu wado inay ka dhacdo Baydhabo

Doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Lagu wado inay ka dhacdo Baydhabo
____________________________________________________________________________


Arbaco: January 19, 2022

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay,  ayaa lagu wadaa in Maanta ay ka dhacdo doorashada Shan kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka oo degaan doorashadoodu tahay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kuraasta doorashadooda Maanta la qabanayo ayaa kamid ah 11 Kursi oo Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ay shaaciyeen  1-dii Bishaan,  balse shan ka mid ah ayaa maanta lagu dooran doonaa magaalada Baydhabo.

Shantan  kursi  ee maanta ay dhaceeyso doorashadooda ayaa waxaa ku loolami doona Xildbibaanadii horay ugu fadhiyay iyo Musharaxiin kale oo doonaya in hadda ay hantaan oo ay kamid noqdaan Golaha Shacabka.

Gudiga hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT), ayaa sheegay in kuraastan maanta la dooran doona ay soo mareen dhamaan hab raacyadii iyo sharuudihii loo dajiyay doorashada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post