687 Views

Wasiirka Gaashaandhigga somaliya oo gaaray Dalka Turkiga

Wasiirka  Gaashaandhigga somaliya  oo gaaray Dalka Turkiga
____________________________________________________________________________

Isniin: August 30, 2021

 Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji oo howlo shaqo ku tagay Dalka Turkiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ee Magalada Ankara  ku soo dhaweyay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca Turkiga iyo Safiirka Dowlada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa inta uu ku Suganyahay Turkiga kulamo la qaadan doona Masuuliyiin ka tirsan  dalkaas isagoo diiradda Saari doonno Xoojinta Xiriirka milatari ee ka dhexeeya labada dal.

Wasiir Xasan ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in uu booqdo Xerooyinka ay dowladda Turkiga ku tababareeyso Ciidamo farabadan oo kamid noqonaya kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Gorgor.

Turkiga ayaa waxaa uu kamid yahay dowladaha taageerada Millateri siiya Soomaaliya, waxaana uu tababaray Kumanaan askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post