924 Views

Q.M oo si kulul u cambaareysay weerarkii lagu qaaday xerada Xalane

Q.M oo si kulul u cambaareysay weerarkii lagu qaaday xerada Xalane
____________________________________________________________________________

Khamiis:March 24, 2022

Xoghayaha Guud ee qaramada Midoobey Antonio Guterres  ayaa wuxuu si kulul u cambaareyay weerarradii khasaaraha badan dhaliyay ee lagu qaaday xarumo ku yaalla gudaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.


“Wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dhibbanayaasha, wuxuuna u rajeynayaa kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah. Wuxuu ku baaqayaa in dambiilayaasha weerarka geystay cadaaladda la horkeeno”ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray.

Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in Qaramada Midoobay ay si buuxda u garab taagan tahay una taageereyso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, sida uu hadalka u dhigay, isagoona sheegay  inay ka go’an tahay inay ku taageerto sidii nabad iyo amni loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post