1134 Views

Shirka Golaha wadatashiga doorashooyinka oo furmay

Shirka Golaha wadatashiga doorashooyinka oo furmay
____________________________________________________________________________

Waxaa Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Golaha wadatashiga doorashooyinka oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirka ayaa waxaa guddoominaya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana goobjoog ka ah Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, Puntland Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, halka Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ku maqan dalka Turkiga uu uga qeyb galayo Aalada (ZOOMKA).

Sirka ayaa waxaa looga hadlayaa dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May ee hannaanka doorashooyinka dalka oo ay Madaxdu ku gaareen Magaalada Muqdisho.
Wararka kale ee aan helnay ayaa sheegaya in Madaxda Golaha wadatashiga ay doonayaan in dib loogu laabto heshiiska, isla markaana wax laga bedelo qodobada qaar sida in hal Goob kaliya doorashada lagu qabto, taas oo Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada qaar ay kasoo horjeedaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post