930 Views

Labada Aqal ee xildhibaanada Golaha Shacabka oo berri yeelanaya kulan wadajir ah, kadib fasaxii gaabnaa ee maalmaha Ciida

Labada Aqal ee xildhibaanada Golaha Shacabka oo berri yeelanaya kulan wadajir ah, kadib fasaxii gaabnaa ee maalmaha Ciida
____________________________________________________________________________


Talaado: May 3, 2022

 Labada Aqal ee xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ayaa berri yeelanaya kulan wadajir ah, kadib fasaxii gaabnaa ee maalmaha Ciida. 

Ajendaha kula berri ayaa ah, “Doorashada Xubnaha guddiga isku dhafka labada Aqal ee BFS ee qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee JFS.”

Kulanka ayaa ka dhacaya xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa oo ku dhex taalla Villa Somalia.

Xildhibaanada ayaa fasax gaaban la siiyey maalintii ka horeysay ciida, waxaana socota dardar gelinta doorashada Madaxweynaha dalka.

Waxaa xusid mudan in weli aan xal laga gaarin khilaafkii ka dhashay xildhibaanadii buuqa ka kiciyey xarunta golaha kulankoodii ugu dambeeyey.

Xildhibaanadaas oo gaaraya 32 xubnood ayaa laga soo kala doortay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo, waxayna kulankii ugu dambeeyey isugu tageen hoolka golaha shacabka, halkaas oo buuq xooggan uu ka dhacay.

Lama oga tallaabada ay berri qaadi doonaan Xildhibaanadaas golaha ka soo galay gobolka Gedo, kuwaas oo dhawaan Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu sheegay inuu ku xali doono hanaan lagu wada qanacsan yahay, kadib markii uu sameeyo la tashiyo badan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post