1488 Views

Wakiil ku xigeenka QM ee Soomaaliya oo la magacaabay

Wakiil ku xigeenka QM ee Soomaaliya oo la magacaabay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  29, 2019 –António Guterres Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ku dhawaaqay ku simaha Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Maadaama Soomaalia ay horay u ceyrisay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsanaa Soomaaliya.

George Conway oo kasoo jeeda dalka Canada ayaa loo Magacaabay  inuu noqdo ku-simaha ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee xafiiska Qaramada midoobay ee (UNSOM).

George Conway ayaa sidoo kale loo idmaday in uu noqdo isku-duwaha hawlaha bini’aadannimo ee Soomaaliya, waxaana xilkaan laga qaaday Peter de Clerk oo kasoo jeeda dalka Netherlands.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa wakiilka cusub ee ku xigeenka ah ku tilmaamay nin howlgar ah ,Mr Conway oo hadda ah mas’uul  ka tirsan  hay’adda UNDP Soomaaliya ayaa ah nin waaya-aragnimo durugsan leh shaqooyin aad muhiim ahna kasoo qabtay Qaramada Midoobay, isagoo soo qabtay xilalka la taliye xafiiska UNDP ee Africa, agaasime UNDP ka tirsan gaar ahaan dalka Koofurta Sudan iyo ku xigeenka madaxa barnaamijyada UNDP ee Koofurta Sudan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment