1146 Views

Wasiir ka tirsanaa Maamulka Hir-Shabeelle oo muqdisho ku geeriyooday

Wasiir ka tirsanaa Maamulka Hir-Shabeelle oo muqdisho ku geeriyooday
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 17, 2021–Alle ha u Naxariistee waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wasiiru dowlihii Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle kana mid ahaa Baarlamaanka Hir-Shabeelle Maxamed Axmed Faarax ( Kolombo)

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa Risaala u xaqiijiyay geerida wasiiru dowlaha, iyaga oo sheegay in  maalmihii la soo dhaafay uu xanuunsanaa sidaasina uu Maanta ku geeriyooday.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo loogu tacsiyadeeynayay Wasiirka geeriyooday ayaa waxaa lagu yiri”

“ Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr. Cabdixakim  Luqmaan xaaji Muxumed isagoo ku Hadlaya Magaciisa, kan Guddoonka, iyo Magaca xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka Hirshabelle Waxuu ka Tacsiyadeynayaa Geerida Naxdinta leh ee ku timid Xildhibaan Marxuum Mohamed Ahmed Farah (Kolombo) oo kamid ahaa xubnaha ugu fir fircoon ee Barlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle kaas oo ku geeriyoday Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Gudoomiye Cabdixakiim ayaa Yiri waxaan tacsida iyo tiiraanyada laqeybsanayaa Qoyska, Ehelka iyo Dhamaan Dowlad Goboleedka Hirshabelle Geeridii  Naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Xildhibaan Mohamed Ahmed Farah (Kolombo) waxuuna Alle uga Baryey inuu Janatul Fardowsa Hoygiisa kadhigo Samir iyo Iimaana Ilaahay naga wada siiyo.

Dhawaan ayaa waxaa la filayaa in la’aaso meydka Alle Ha u naxariistee Wasiir dowlihii Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle kana mid ahaa Baarlamaanka Hir-Shabeelle Maxamed Axmed Faarax ( kolombo), waxaana ka qeyb geli doona mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post