975 Views

Golaha Shacabka oo ka hadlay xilliga ay dhaceyso doorashada

Golaha Shacabka oo ka hadlay xilliga ay dhaceyso doorashada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 14, 2019–Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maalmahanba ku sugnaa dalka Itoobiya, gaara ahaan Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida, halkaas oo uu ku casuumay dhiggiisa Itoobiya ayaa waxaa uu ka hadlay doorashada la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo sanadka dambe.

 

Mursal ayaa sheegay in doorashada ay ku dhici doonto xiliga loogu talo galay, oo aysan jirin wax dib u dhac ah oo ku imaan doona doorashada, barlamaanka Soomaaliyana uu ka doodi doono shuruucda doorashada soo soocta.

 

 

 

“Doorashada xiligii loogu tala galay ayay dhici doontaa haddii Alle idmo, Waxaa uu barlamaanka hadda gacanta ku haya sharciga doorashada oo guddii loo magacaabay, waxaana rajeeneynaa bishan Noofeembar in barlamaanka ka doodo sharcigaas, bisha Diseembar na la ansixiyo sharciga doorashada”, ayuu yiri guddoomiye Mursal oo la hadlayay BBC-da.

 

Waxaa kale oo uu sheegay in mudo xileedka dowlad walba ay ku qoran tahay dastuurka, oo dowladda walba ay heysato afar sano, marka afartaas sano ay dhamaatana doorashada la qaban doono.

 

Barlamaanka Soomaaliya ayaa guddi u magacaabay sharciga doorashada la filayo in dhawaan ay ka dhacdo dalka, waxaana guddigaas uu kulamo ugu tegay inta badan maamulada dalka, si ay uga ra’yi dhiibtaan sharciga doorashada.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment