873 Views

Laftagareen oo xilalkii ka qaadey Wasiiro kuwo kalena Magacaabey

Laftagareen oo xilalkii ka qaadey Wasiiro kuwo kalena Magacaabey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | isniin , Feberaayo 24, 2020 —Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xilalkii ka qaadey qaar kamid ah golihiisa Wasiirada,isaga oo kuwa Cusub Magacaabey.

 

Wareegto kasoo baxdey Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa xilkii looga qaadey Wasiirka Waxbarashada C/raxmaan Cusmaan Malaaq,Wasiirka Shaqada & Shaqaaaha Feysal Cabdullaahi Cali iyo wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Jabriil Maxamuud Aadan.

 

 

 

Dhinaca kale Madaxwyene laftagareen ayaa xilka Wasiirka Waxbarashada u Magacaabey Maxamed Yuusuf Xasan, Wasiirka Shaqada & Shaqaalaha Cabduqaadir Cumar C/llaahi halka Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada loo Magacaabey Cabdi fitaax Isaaq Maxamed.

 

Sababaha xilka looga qaadey Saddex kamid ah Golaha Wasiirada Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay inay la xiriirto baahi loo qabo dardar gelinta howlaha Maamulka iyo Shaqooyinka horyaalla.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment