1074 Views

Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday oo Xalay calan-saaray Madaxtooyada Qaranka 1 luliyo.

Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday  oo Xalay  calan-saaray Madaxtooyada Qaranka 1 luliyo.
____________________________________________________________________________

Khamiis: Luliyo 1 2021

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, si loo maamuuso Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo oo ku aaddan sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay xornimada gobollada Koonfureed iyo midowga labadii gobol ee gumaystuhu uu kala qaybiyey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalintan qiimaha badan oo ku suntan gobanimada, midnimada iyo dowladnimada dadka Soomaaliyeed ee maal iyo naf-ba u huray hanashada Qaran ka tarjumaya himilada iyo hiigsigooda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambayduna ay ku maamuusayso Heesta Calanka ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo caawa ay ka bilaambatay dabbaaldegyada Xuska Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post