1566 Views

Muuse Suudi Yalaxow “ Villa Somaliya ma tagin ma dhiman waa noo lahay ayaga oo wanaagsan ayaan tagi waayay

Muuse Suudi Yalaxow “ Villa Somaliya ma tagin ma dhiman waa noo lahay ayaga oo wanaagsan ayaan tagi waayay
____________________________________________________________________________

 Isniin: December 6, 2021

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa si adag u beeniyay warar laga faafiyo oo sheegaya in wada-hadal uu u socdo asaga iyo Villa Somalia oo uu hogaamiyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxa uu ku tilmaamay dacaayado waxba kama jiraan ah oo ay ka dambeyso Villa Somalia oo uu sheegay in uusan aqoonsaneyn inay joogan madax sharci ah, maadama uu waqtigooda uu dhacay, sida uu hadalka u dhigay.

“Yaa la hadlaa, ma darbiyadaa la hadlaa. Madax ma joogto, waqtigoodiina wuu dhacay, berigey fiyoobaayeenba uma tagi jirin maxaa hadda ka jarinaa, wax ka jiro ma lahan warkaas,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi.

“Dad aan la heshiiyo meesha ma joogaan, hadda oo qof joogin guryaha maan ku wareega. Waxba kama jiraan waxay idaacadaha ay soo adeegsanayaan (Villa Somalia) shaqo aan ku leeyahay majirto.”

Sidoo kale waxa uu dhaliilay aamusnida ay Midowga Musharaxiinta ku wajahayaan muddo kororsiga dadban ee uu weli Villa Somalia ku dhex fadhiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Nin ayaa iska jooga Villa Somalia, hal sano ayuu iska jooga ka hadli maayan, ma iyaga hadhoo raba haddii waqtiga uu ka dhamaado inay sidoo kale iskaga fadhiyaan, mise wey ka cabsanayaan,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in maamulada dalka ay dowladda muddo xileedkeeda uu dhamaaday ay gaarsiisay liiska musharaxiinta ay rabaan inay kusoo baxaan doorashada, taasi oo uu sheegay inay luminayso macnihii doorashada iyo hufnaanteeda.

By Guuleed Muuse 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post