1386 Views

Sawirro:-Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Bilaabatay

Sawirro:-Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Bilaabatay
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 19, 2018 –Waxaa Goordhow Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka bilaabatay doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Ilaa 5 Musharax ayaa u taagan u tartamida qabashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed,kuwaas oo kala ah Aadan Maxamed Nuur Saransoor, Xuseen Cismaan Xuseen, Ibraahim Macalin Nuunow,Seyid Axmed Sheeikh Daahir iyo Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen.

147 Xildhibaan ayaa kulanka doorashada ku sugan,kuwaas oo u kala codeynaya musharixiinta Madaxweynaha,waxaana baarlamaanka Koonfur Galbeed uu ahaa 148 Xildhibaan,hayeeshee mid ka mid ah Xildhibaanada uu ku geeriyooday rabshadihii ka dhacay Magalada baydhabo.

Hoolka doorashada ayaa waxaa haatan ku sugan dhamaan musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed,iyo wafdi korkoogto ah oo ka socda Dowladda federaalka oo ay ka mid yihiin wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana ammaanka goobta ay doorashada ka dhaceysa la wareegay ciidammada Midowga Afrika gaar ahaan kuwo Itoobiya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment