1821 Views

Maxkamadda Millatariga oo uu ka soo muuqday askari dil geystay

Maxkamadda Millatariga oo uu ka soo muuqday askari dil geystay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 21, 2018 –Allaha u naxariistee Yaasiin Cali Saney oo mooto bajaajle ahaa ayaa u geeriyooday xabad uu ku dhuftay eedeysane Mahad Xuseen Shiidow oo ka tirsan ciidamada booliska degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, 27-kii bishii August ee sanadkan

Dhimashada Yaasiin Cali Saneey ayaa sababtay isku dhacyo u abaabulan qaab qabiil taas oo sii murjisay xaalada, waxayna dhalisay dhimashada Afar kale iyo Laba dhaawac ah.

Xaalad cakirnaan ah oo ay gashay magaalada Beledweyne ayaa sababtay in maxkamadda ciidamada loo yaaro si dadka loogu kala saaro sharciga, waxaana Beledweyne gaaray khubaro baarayaal ah iyo saraakiil ka tirsan maxkamadda.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa ugu horeyn weydiiyay Mahad Xuseen Shiidow jiritaanka eedaha ay soo jeediyeen xafiiska xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida.

“Mahad waxaa laguugu eedeynayaa inaad dil barer ah u geysatay marxuum Yaasiin Cali Saney oo ahaa wade mooto bajaaj, sidoo kalena dhaawac aad u geysatay Cabdi Dukow Maxamed, taariikhdu marka ay aheyd 27-kii bishii August 2018, dilkaas oo ka dhacay magaalada Beledweyne”. Ayuu yiri Gaashaanle Shuute.

Gaashaanle Abuukar Yuusuf Cabdi oo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah ugu tababaran baarista oo ka mid ah saraakiisha dowaldda u soo wakiilatay baarista wixii dhacay ayaa ka hor sharaxay garsoorka ciidamada qalabka sida natiijada baaristooda.

“Markii mootada la joojiyey marxuumka waxa uu ka codsaday askarigii joojiyey in uu rakaab uu sido uu geeyo kadibna uu u soo laaban doono, intii ay wada hadlayeen marxuumka iyo askarigii joojiyey Mahad wuu ka daba yimid, wuxuuna soo istaagay dhankii uu taagnaa askariga ma ahane dhankii kale, wuxuuna ku yiri maxaad ii soo dhaafeysaa qorigiisa ayuu ku fiiqay laba xabadood ayuuna ku riday sida aan xafiiska xeer ilaalinta aan u soo gudbinay fooqa laba xabadood oo uu ku riday marxuumka”. Ayuu yiri Gaashaanle Abuukar Yuusuf Cabdi.

Kuxigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida Dhame Muumin Xuseen C/laahi ayaa ku dooday in aysan jirin sabab uu ugu baxo gacanta ciidamada amniga muwaadin aan waxba galabsan.

Xeer ilaaliyeyaasha ciidamada qalabka sida maxkamadda ciidamada ka codsaday in Mahad Xuseen Shiidow lagu fuliyo dil toogasho ah oo ah dambigii uu geystay.

Abuukaataaha u doodayay eedeysanaha ayaa dalbaday in laga qaado diyo gaf ah, maadaama uu qirsan yahay jiritaanka dilka ka dhacay,

Dhanka kale Lix eedeysane oo midi maqane yahay ayaa iyana la soo taagay maxkamadda, waxaana wax laga weydiiyay weerar ay u abaabuleen qaab qabiil, kaasi oo sababay dhimashada Laba ruux iyo dhaawaca Hal shaqsi.

Qeybaha kala duwan ee bulshada oo fadhiga maxkamadda ka qeyb galayay, saraakiisha amniga iyo odayaasha wax garadka goobjooga u ahaa dhacdooyinkaasi maxkamadda dhageysatay, waxaana dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda lagu wargeliyay in go’aanka maxkamadda dib laga soo saari doono.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment