558 Views

Darawaliin u shaqeynayay Qaramada Midoobey oo xabsi ku yaalla Itoobiya laga sii daayay

Darawaliin u shaqeynayay Qaramada Midoobey oo xabsi ku yaalla Itoobiya laga sii daayay
____________________________________________________________________________

Talaado: November 16, 2021

Tiro ka mid ah darawallada gawaarida gargaarka ee Qaramada Midoobay oo ay xirtay dowladda Itoobiya todobaadkii hore ayaa la sii daayay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Qaramada Midoobey.

Afhayeenka u hadlay Hay’addaha gargaarka ee Qaramada Midooey oo lagu magacaabo Farxan Haq ayaa sheegay in 34 ka mid ah darawallada la xiray la sii daayay, balse 36 kale ay weli xabsiga ku jiraan.

Wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP ayaa sheegay in 72 darawal oo ka tirsan hay’adda cunada aduunka ee WFP lagu xiray Jimcihii lasoo dhaafay magaalada Semera ee gobolka Canfarta.

Waxa uu rajo ka muujiyay in la sii dayn doono qaar ka mid ah wadayaasha gawaarida ee hadda xiran.

Shaqaalahan ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa la xiray ka dib markii xaalad degdeg ah ay dhawaan ku dhawaaqday dowladda federaalka Itoobiya,iyadoo Qaramada Midoobey-na ay walaac ka muujisay xiritaanka Shaqaallaheeda oo ay sheegtay inay arrintaasi saameyn ku yeelan karto gargaar gaarsiinta dadka tabaalaysan ee ku nool qaybo ka mid ah dalka Itoobiya gaarahaanna waqooyiga.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post