639 Views

Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo sheegay in uu difaacayo shacabka Garba Ciise

Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo sheegay in uu difaacayo shacabka Garba Ciise
____________________________________________________________________________

Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay inay difaaci doonaan dadka Soomaalida ah ee deggaanka aagga degmada Garba Ciise iyo deegaannada ku xeeran.
“Xukuumaddu waxay xaqiijinaysaa in ay diyaar u tahay in ay qaadato mas’uuliyadda ka saaran difaaca shacabka Galbeedka Sitii ee dhibaatooyinka isdabajooga ah la soo darseen tan iyo intii ay ka gadoodeen go’aankii qaldanaa ee xoog loogu hoos geeyay maamulka Canfarta” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Hadalkan ayaa imaanaya kaddib dagaal Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay aaggaasi oo la sheegay inay ku dhinteen Soomaali badan kaddib markii ay halkaasi weerrar kula wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka deegaanka Canfarta.
Dhanka kale dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxa ay ciidammada ammaanka ee federaalka ku eedeeyeen inay ka gaabiyeen mas’uuliyaddii ka saaran difaaca shacabka deegaankaasi.
Waa markii labaad ee shacab maati ah si bareed ah loogu hor laayo hay’adaha amniga ee dawlada Fadaraalka oo masuuliyadda ilaalinta shacabkaas iyagu qaatay. Waxaa horay loo xasuuqay loona barakiciyay shacabka magaalada Cadeytu”

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post