1992 Views

RW Kheyre oo maanta u ambabaxay dalka Switzerland

RW Kheyre oo maanta u ambabaxay dalka Switzerland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 22, 2018 – Waxaa manta geleinkii hore ka ambabaxay Garoonka Weyn ee Aadan Cadde International Airport Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi balaaran uu horkacayo isaga oo ku sii jeeda magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaasoo uga qeyb galayo shirka dhaqaalaha adduunka.

Shirka ka furmaya magaalada Geneva ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madax ka socota Qaraadda Afrika, waxaana si gaar ah looga hadli doonaa kobaca dhaqaalaha adduunka iyo sidii loo taageeri lahaa dalalka soo koraya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inuu shirar gaar gaar ah la qaato Madaxda ka qeyb galeysa shirkan.

Saraakiisha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama ay ku jirto dalalka yar ee Africa ka tirsan ee lagu casuumay shirka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhowaan dib u habeyn ku sameysay nidaamka Canshuuraha dalka, taasoo ka qeyb qaadan kara in dhaqaalaha Soomaaliya uu kor u kaco.

rw-Kheyre-safar-2 rw-Kheyre-safar-1

 

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment