1551 Views

Madaxweynaha Galmudug oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Galmudug oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada
____________________________________________________________________________


Khamiis: November 4, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay shirka golaha Wasiirada Galmudug oo maanta ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Galmudug.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen xaaladda guud ee amniga, sharciga Dhismaha Degmooyinka iyo Gobalada Galmudug iyo arrimaha doorashooyinka.

Golaha ayaa warbixin ka dhageystay madaxda Wasaaradaha Amniga gudaha, Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka iyo Maaliyadda.

Sidoo kale Golaha ayaa gorfeeyay soo jeedinta shuruucda iyo warbixinada ay bixiyeen Wasaaraduhu, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay dib u eegis ku sameyn doonto soo jeedintooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post