654 Views

Wasaaradda Amniga“Saraakiishii iyo ciidamadii ku lugta lahaa dilkii guddoomiyaha degmada Hodan gacanta ayaa lagu dhigay”

Wasaaradda Amniga“Saraakiishii iyo ciidamadii ku lugta lahaa dilkii guddoomiyaha degmada Hodan gacanta ayaa lagu dhigay”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 21, 2021—Wasaaradda Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu hayo saraakiishii iyo ciidankii ku lugta lahaa dilka Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiim Dhegajuun.

Wasiiru Dowlaha Aminga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Farxaan Cali Axmed oo  la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed u caddeeyey in gacanta lagu dhigay saraakishii iyo ciidamadii ku lugta lahaa dilkii Allaha u naxariiste Guddoomiyii Degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan  Ciise, kuwaasi oo ku jira gacanta ciidamada dambi baarista ee CID, isagoo bulshada uga tacsiyadeeyay falka dilka ah ee loo geystay guddoomiyihii degmada Hodan.

“Saraakiishii iyo ciidamadii ku lugta lahaa dilka Allaha u naxariiste Guddoomiyihii Degmada Hodan gacanta ayaa lagu dhigay, baaris ayaana ku socoto, waxaa kaloo lagu raad joogaa dad kale oo falkaasi ku lugta lahaa” ayuu yiri Farxaan.

Wasiiru dowlaha Amniga mudane Farxaan Cali Axmed ayaa shacabka ka codsaday inay is dajiyaan oo ay ku kalsoonaadaan dowladooda

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post