489 Views

Doorshadda Kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo maanta ka dhaceeyso Jowhar.

Doorshadda Kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo maanta ka dhaceeyso Jowhar.
____________________________________________________________________________

Isniin: February 7, 2022

Waxaa maanta lagu waddaa in Magaalada Jowhar Ee casimadda Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle ay ka dhacdo Doorashada labo kursi oo kamid ah Golaha Shacabka kuwaa degaan doorshadoodu tahay Jowhar,

Gudigga Doorashada Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle ayaa shaciyay Kuraasta maanta ka filayo in Doorashaddooda la qabto kuwaa oo kala ah Hop-115 iyo Hop-070, waxaana kuwada Tartamaya Musharixiin gaarayo ilaa afar Musharax.

Kursigga Tirsigiisu yahay Hop-115 Waxaa kuwadda tartamaya Cali Maxamed Cumar Iyo Mulki Cabdullahi Islow, Waxaana Shalay Shaaciyay Guddiga Doorashada Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle Oo siiyay Shahaadada Musharaxnimada.

Kursigga Labaad ee Maanta Doorashadiisa la qabanayo ayaa ah Hop-070,Waxaana Musharixiinta shahaadada gudoomay una tartamaya ay kala yihiin Cabdirahmaan Maxamed Sheekh iyo Maxamad Xasan Bariiise.

Qabanqabadii ugu danbeeysay ee doorshadda labadaasi kursi ayaa socoto, Waxaana Ciidamada Amaanka iyo kuwa Amisom ay sugayaan Amaaniga Hoolka ay ka dhaceeyso Doorashada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post