861 Views

Rooble oo amar siiyay Saraakiisha hay’adda NISA

Rooble oo amar siiyay Saraakiisha hay’adda NISA
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble  oo wehliyay Wasiirka Amniga Gudaha ayaa galabta kormeeray Xarunta Hey’adda NISA ee Habar Khadiijo.
Waxaa xarunta  kusoo dhoweeyay Kusimaha Taliyaha NISA Yaasiin Farey.

Waxaa sidoo kale kormeeray qaar ka mid ah goobaha muhiimka ah hay’adda waxaana uu ka dalbaday saraakiisha hay’adda in ay dardargaliyaan shaqooyinka loo igmaday.
Rooble ayaa sheegay in saraakiisha hay’adda looga baahan yahay in ay ka qeyb ka qaataan sugida Amniga dalka gaar ahaan magaalada Caasimadda ah.
Xarunta Taliska NISA ayaa saddexdii sanno ee uu hoggaankeedu hayay Taliyihii hore Fahad Yaasiin waxay aheyd xarun siyaasadda dalka laga hago oo Madaxda qaar ka mid Dowlad Goboleedyada ugu tagi jireen Taliyihii hore.
 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post