1332 Views

Puntland been abuur ku tilmaantay Eedayntii loo Jeediyay Madaxweynaha Puntland

Puntland  been abuur ku tilmaantay Eedayntii loo Jeediyay Madaxweynaha Puntland
____________________________________________________________________________

 

Arbaco: July 7, 2021

Maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa ka warbixiyey hadal maanta kasoo yeeray wasiirka qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan.

Wasiirka ayaa ku eedeeyey Siciid Cabdullaahi Deni, oo ah madaxweynaha maamulka Puntland, inuu yahay murashax is qarinaya.

Puntland, ayaa dhankeeda ku sheegtay warkan wax kama jiraan, halka dhanka kalana ku tilmaantey inuu jiro maamulkooddu 23 sano.

Afhayeenka maamulka Puntland, Jaamac Dabaraani, ayaa carabka ku adkeeyey iney tahay nasiib daro in maamul gaamurey laga bixiyo sawir qaldan.

Maamulka ayaa kal hore u qabtey doorashooyin kala duwan, kuwaasoo kala ahaa heerar kala duwan.

Uggu danbeyn, afhayeenka ayaa ku tilmaamey maamulka Puntland inuu yahay mid qaan gaar ah, oo aanan khalkhal la galin karin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post