2247 Views

War ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliland

War ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 1, 2018 – Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday olole soconaya muddo seddex todobaad ah, kaas oo markii ugu horraysay lagu diiwaan galinayo hantida ma guurtada ah ee dawladda iyo dhulalka danta guud.

Ololaha ayaa looga dhawaaqay xarunta madaxtooyada ee Hargaysa, waxaana hadalkaasi shaaciyey Madxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi,isaga oo sheegay inay daba socdaan “boobka hantida dawladda ee ma guurtada ah ee 28kii sano ee u dambeeyey”.

Hantida ayuu u kala saaray dhismayaal sida iskuullo, isbitaallo IWM, iyo dhulal banaan oo ay dawladdu leedahay.

Wuxuu kaloo ka hadlay xiriirka u dhaxeeya ayaga iyo dawladda hoose, wuxuuna qiray in uusan fiicnayn.

“Wixii ku saabsan maamulka hantida ma guurtada ee shacabka dawladda hoose ayaa shaqo ku leh, wixii dan guud ahna annaga ayaa shaqo ku leh” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment