1437 Views

Dhagayso:- Aqalka Sare Oo War Ka Soo Saaray Xal Ka Gaarista Khilaafka Guddoonka Golaha Shacabka

Dhagayso:- Aqalka Sare Oo War Ka Soo Saaray Xal Ka Gaarista Khilaafka Guddoonka Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 17, 2018 –Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib shir uu uga qeyb galey dalka Turkiga.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa ka qeyb galey shir loogu magacdaray “Masjidul Qudus” kaas oo looga hadlaayey Arimaha Falastiin iyo Caasimada Qudus oo dagaalo dhexmaraan Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel.

Gudoomiyaha waxaa garoonka ku soo dhaweeyey labadiisa ku xigeen iyo Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa uuna ka warbixiyey Shirkii uu uga qeyb galey Magaalada Istanbuul Caasimada Turkiga waxa uuna sheegey in la isku afgartay dhamaan qodobadii Muhiim ahaa shirka ka soo baxay.

Waxa uu sheegey in Soomaaliya ay taageersantay shacabka Falastiin,islamarkaana ay caasimada Falastiin u aqoonsantahey Qudus ayna Sii ahaa doonto.

Gudoomiye ku Aqalka Sare ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya ayaa Safar dhowr bari Qaatay ugu Maqnaa dalka dibadiisa waxa uuna kulamo uga qeyb galay Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Halkan Ka Dhagso 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment