819 Views

Puntland oo shaacisay kiisas Cusub oo Coronavirus ah

Puntland oo shaacisay kiisas Cusub oo Coronavirus ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 15 2020–Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta shaacsisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Coronavirus,balse laga baaray,kuwaas oo Wasaaradu sheegtay in qaarkood laga helay Cudurka.

Qoraal kasoo baxay Guddiga wacyigelinta iyo xakameynta Cudurka Coronavirus u qaabilsan Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in la baaray 24 qof balse Cudurka laga helay 14 Ruux oo kala ah 11 Rag ah iyo Saddex Dumar ah.

Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen in dadka laga helay Cudurka COVID 19 ay kala joogaan Gobolada Nugaal, Mudug iyo kan Puntland ay u taqaano Karkaar.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 125 Halka Shan qof ay u geeriyoodeen xanuunka.

Tirada la baaray ee laga helay Cudurka Coronavirus ee deegaannada Puntland kama mid ahan xaaladihii cusbaa oo ay shalay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya,hayeeshee Maanta la filayo inay Wasaaradda shaaciso.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment