282 Views

Barasaabka Florida Ron DeSantis oo la siiyay awood uu ku rari karo muhaajiriinta ka soo gudubta Mexsico

Barasaabka Florida Ron DeSantis oo  la siiyay awood uu ku rari karo muhaajiriinta ka soo gudubta Mexsico
____________________________________________________________________________

 Sabti: February 11, 2023\

Barasaabka Florida Ron DeSantis ayaa la siiyay awood uu ku rari karo muhaajiriinta aan sharciyeysneyn meel kasta oo ka tirsan Mareykanka iyadoo la raacayo sharciga uu ansixiyay golaha sharci dejinta ee gobolka.

sharcigan waxaa ansixiyay labada gole ee Jamhuuriga ay maamusho ee ku teedsan khadadka xisbiyada oo hadda u socda miiska Mr DeSantis si uu u saxiixo.

Barasaabka Florida ayaa sanadkii hore tahriibayaal ka soo qaaday Texas una dhoofayiyay Massachusetts, taasoo keentay in dacwad lagu soo oogo.

Jamhuuriyaankan waa nin si kulul ugu tartamaya Aqalka Cad 2024.

Sannadkii hore, Mr DeSantis waxa uu laba diyaaradood kusoo qaaday tahriibayaal ka soo raacay Texas kuwaasi oo aan sharciyeysnayn.

Dimuqraadiyiinta iyo xulafadooda ayaa ku dooday in duullimaadyadu ay ahaayeen kuwo siyaasadaysan oo u dhigma ka ganacsiga dadka.

Texas iyo Arizona waxaa sidoo kale bas looga qaadi jiray muhaajiriinta aan sharciga lahayn magaalooyinka ay maamulaan Dimuqraadiga sida Chicago iyo New York, iyo, Washington DC.

Duqa magaalada New York Eric Adams, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa markii hore soo dhaweeyay muhaajiriinta, hase yeeshee bishii July ee la soo dhaafay ayey ku tilmaameen “culays dhab ah” oo saaran adeegyada bulshada.

Sannad xisaabeedka 2022 tirada dadka soogalootiga ah ee aan sharciyeysnayn ee ka tallaabaya xadka koonfur-galbeed ee Maraykanka ayaa kor u dhaaftay 2.76 milyan, taas oo jabisay rikoorkii sannadlaha ahaa ee hore in ka badan hal milyan, marka loo eego xogta Ilaalinta Xuduudaha.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post