801 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Degmada Shingaani guddoon siiyey Koobka Degmooyinka G/Banaadir

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Degmada Shingaani guddoon siiyey Koobka Degmooyinka G/Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Nofeembar 30, 2020 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay daawashada dhammaadka tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir oo ku guuleysatay degmada Shingaani.

Tartankan ayaa waxaa ka qaybgalay 17ka degmo ee Gobolka Banaadir iyo degmada Balcad, si loo xoojiyo nabadda iyo isdhexgalka bulshadda. Iyadoo kama danbeysta tartankan ay isugu soo hareen Shingaani iyo Cabdicasiis.

Labada kooxood ee kala matalayay degmooyinka Shingaani iyo Cabdicasiis ayaa soo bandhigay ciyaar wanaag ku dhisan xirfad, taasoo soo jiidatay dhammaan daawadayaasha iyo tageerayaasha garoonka Istaadiyoow Eng. Yariisow joogay .

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u hambalyeeyey Kooxda degmada Shingaani oo hanatay sanadkan koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo sidoo kale boggaadiyey dhammaan ciyaartooyda, macalimiinta iyo maamulka ka qeyb qaatay tartankan oo muujiyey ilbaxnimo iyo tartan wanaag.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey dhalinyaradii naftooda ku waayey falkii argagixisadu ay ku beegsadeen habeenkii Jimcaha goob lagu caweeyo.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post