561 Views

Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle oo howlgallo dad badan lagu qabqabtay oo ka sameeyay Magaalada Jowhar

Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle oo  howlgallo dad badan lagu qabqabtay oo ka sameeyay  Magaalada Jowhar
____________________________________________________________________________

Talaado:  October 19, 2021

Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa howlgallo dad badan lagu qabqabtay oo amniga lagu xaqiijinayay waxaa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.

Howlgalka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Booliska Magaalada Jowhar  Bashiir Xasan Xalfooy ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen Waaxda Aboolo ee Xaafada Hanti-wadaag, iyada oo Ciidamada ay Guri guri u baarayeen, waxaana howlgalka lagu soo qabtay dhalinyaro looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Maamulka Hir-Shabeelle Diini Axmed Rooble ayaa sheegay in baaritaan dheer kadib dad badan oo howlgalka lagu qabtay la sii daayay balse 32 kamid ah ah la xiray, kuwaas oo uu sheegay in baaritaano kale lagu sameeynayo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in qof walba oo lagu helo inay la Shaqeeyso dadka falalka amni darro geysta sida Al-Shabaab tallaabo laga qaadi doono, waxaana uu Bulshada ka codsaday inay Ciidamada Amniga kala Shaqeeyaan.

Howlgalkan Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle ay ka sameeyeen Magaalada Jowhar ayaa kusoo aadayaa xilli dhawaan la filayo in Magaalada Jowhar lagu qabto doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka qeybta degaan doorashadoodu tahay halkaas.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post