423 Views

Puntland oo shaacisay inuu furmayo shir lagu hadlayo khilaafka D/Federaalka iyo D/Goboleedyada

Puntland oo shaacisay inuu furmayo shir lagu hadlayo khilaafka D/Federaalka iyo D/Goboleedyada
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 31, 2022

Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland, Xasan Shire Abgaal oo ka hadlay go’aanka ay ku joojiyeen wada shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka ayaa sheegay in dhawaan u furmi doono shir lagu xallinayo khilaafka cusub.

Wasiirka oo wareysi siiyay Idaacadda BBC ayaa Wasiirka cusub ee Maaliyadda Dowladda Federaalka ku eedeeyay in uu gaaray go’aano uusan kala tashan dowlad goboleedyada, taasi oo keentay in la joojiyo wada shaqeynta.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa sheegay in xiriirka dib loo soo celin doono markii Wasaaradda Federaalka ilaaliso heshiisyada la xiriira Maaliyadda ee hore loo gaaray.

“Dalku waa Federaal, wasaaradda Xamar joogta oo keliya ma ahan, waxaan rabnaa sidii aan u wada shaqeynaynay, dowladdu in ay ka madax banaanto qof kaligii in uu yiraah aniga sidan iri” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post