243 Views

SAWIRO: RW Hamza oo kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Caddaaladda & Arr.Dastuurka

SAWIRO: RW Hamza oo kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Caddaaladda & Arr.Dastuurka
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo oo uu ugu kuurgelayo adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed ku tagey Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo Xarunta Howlgallada Deg-degga ah ee Caafimaadka Guud.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud warbixin la xiriirta dhammeystirka dastuurka KMG ah, horumarinta hannaanka caddaaladda dalka, hagaajinta iyo horumarinta sharciyada ay wasaaraddu gacanta ku heyso, si loogu gudbiyo golaha wasiirrada iyo dardar-gelinta shaqada ka socota wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay la dagaallanka musuq-maasuqa iyo in la-qabyo-tiro dastuurka KMG ah dhammaadka sannadkan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post