1062 Views

QM oo ku baaqday in la xaliyo khilaafka Dowladda & Jubbaland

QM oo ku baaqday in la xaliyo khilaafka Dowladda & Jubbaland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 02, -2019 —Wakiilka Xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador james Swan oo ka qeyb-galaya Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa ka hadlay Arrimo ay kamid yihiin xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo  khilaafka Dowladda & Maamulka Jubbaland.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in xal loo helo Siyaasadda loo dhanyahay,isla markaana  loo diyaar garoobo Wada hadalo ay yeeshaan Dowladda iyo dhinacyada kale.

Geba-gabadii isaga oo ka hadlayay khilaafka Dowladda & Maamulka Jubbaland ayuu sheegay in sidoo kale loo baahan yahay in la dahmeeyo khilaafkaas lagana gudbo su’aalaha ka dhashay  Awood qaybsiga  dhinaca Dhaqaalaha.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaanan ka qyeb-galeyn Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka socda Magalada muqdisho, iyada oo uu weli jiro khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment