954 Views

Weerar sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Boosaaso

Weerar sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Boosaaso
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talado   , March 17, 2020 —Wararka Idaacadda Risaala ay ka heleyso Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay weerar lagu diley hal Ruux laba kalena lagu dhaawacey.

 

Rag hubeysan ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen Goob ay ku sugnaayeen dad farabadan,waxaana rasaastaas ku geeriyoodey Nin ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Magaciisa lagu sheegay Garaad Suleymaan Ahmed Shire halka ay ku dhaawacmeen askari ka tirsan ciidamada Puntland iyo qof Shacab ah.

 

 

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ragga ka dambeeyey weerarka sababay dhimashada iyo dhaawaca ay durba goobta ka baxsadeen,waxaana halkaasi baaritaano ka wada Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

 

Majirt cid weli sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas,hayeeshee bilihii la soo dhaafay waxaa faraha ka baxey Ammaanka Magaalada Boosaaso,iyada o ay ka dhaceen weeraro ay mas’uuliyadooda sheegteen Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment