645 Views

Wasaaradda Caafimaadka oo shacisay 24 kii saacadood laga helay cudurka Coronavirus dad gaaraya 128 qof

Wasaaradda Caafimaadka  oo  shacisay  24 kii saacadood laga helay cudurka Coronavirus dad gaaraya 128 qof
____________________________________________________________________________

February 21, 2021

 Wasaaradda Caafimaadka Somalia ayaa sheegtay in 24kii saacadood ee la soo dhaafay laga helay cudurka Coronavirus dad gaaraya 128 qof dalka oo dhan

“Maanta sabti ah waxaa cudurka laga helay dad cusub oo tiradoodu gaareyso 128 qof kuwaasoo 75 ka mid ah yihiin rag, halka 53 kalena ay yihiin dumar, waxayna tirada guud ee dadka cudurka laga helay Somalia oo dhan ka dhigeysa 6, 017 qof inta laga warqabo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada Caafimaadka.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in 110 ka mid ah dadka maanta laga helay cudurka ay joogaan Muqdisho, halka Jubbaland laga helay 8, Somaliland 6, Koonfur galbeed 3, Galmudugna waxaa laga diiwaan geliyey hal qof.

Wasaarada waxay intaas ku dartay in dad gaaraya 8 qof ay 24kii saac ee la soo dhaafay u dhinteen cudurka kuwaasoo dhamaantood ku sugnaa Muqdisho.

Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Somalia ayaa horey u sheegtay in kiisaska cudurka ee laga helayo dalka ay sare u sii kaceyso maalinba maalinta ka dambeysa, loona baahan yahay shacabka iney ku dhaqmaan talooyinka ka hortaga ah si yareeyo faafida cudurkan

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post