1230 Views

Sawiro:-Guddoomiye Yariisow iyo Taliyaha Booliska oo la hadlay banaan baxayaasha

Sawiro:-Guddoomiye Yariisow iyo Taliyaha Booliska oo la hadlay banaan baxayaasha
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ku baxay dibad baxaya ka socda qeybo ka mid ah waddooyinka Muqdisho.

 

Eng. Yariisow iyo Taliyaha Booliska ayaa dhalinyarada dibad baxayay ugu tahay Isgoyska Bakaaraha ee wadada wadnaha, iyagoo ka codsaday inay xaalada dejiyaan.

 

Muqdisho | QOL | April 13, 2019 –Guddoomiye Yariisow ayaa ugu baaqay dhalinyarada inay si nabad ah ay ku muujiyaan shucuurtooda oo ay nidaamka ilaaliyaan.

Waxaa uu uga tacsiyadeeyay wiilkii dhalinyarada ee dhintay, isagoo balan-qaaday in Maxkamad la soo taagi doono askarigii falkaas ka dambeeyay, isla markaana aanay aqbali doonin in la dhibaateeyo dhalinyarada.

“Nidaamka ilaaliya, si nabad ah shucuurtiina ku muujiya, dalka idinka ayaa leh, taayarada la gubayo hala joojiyo”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Taliyaha Booliska Jen. Bashiir ayaa balan-qaaday in askariga dilka geystay sharciga la horkeenayo, lana maxkamadeyn doono, waxaana uu ka codsaday dhalinyarada in aan lagu soo dhex dhuuman oo dadka rabshadaha wata ka fogaadaan.

Banaan baxa rabshado watay ayaa maanta hareeyay waddooyinka Wadnaha iyo Maka Al-Mukarama, kaddib markii uu askari ka tirsan Booliska uu wiil dhalinyaro ah iyo qof la socday dil u geystay.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment