1716 Views

Dagaal ka dhacay degmada Baraawe xilli ay doorasho ka socotay

Dagaal ka dhacay degmada Baraawe xilli ay doorasho ka socotay
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 10, 2021=Israsaaseyn kooban ayaa waxaa ay Maanta degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose ku dhex-martay Ciidamada Ammaanka degmadaas iyo maleeshiyaa diidan habka loo dhisay Golaha degaanka Magaalada Baraawe.

Israsaaseynta ayaa waxaa ay sigaar ah uga dhacday banaanka Hotelka Nadiir, halkaas  oo ay ka socotay doorshada Golaha Degaanka, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday israsaaseynta hal qof halka uu ku dhaawacmay askari ka tirsan Ciidanka Nabadsugida.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ay hakatay doorashada Golaha degaanka degmada Baraawe oo shalay bilaabatay kadib israsaaseynta Maanta ka dhacday degmadaas.

Dad ku sugan degmada Baraawe ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in Goobta ay ka socotay dorashada amnigeeda ay a wareegeen Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, si looga hortago dagaal markale ka dhaca halkaas.

Is rasaaseyntan  Maanta ka dhacday degmada Baraawe ayaa imaaneysa xilii Maalmahan Magaalada ay kajireen tabashooyin ka dhan ah Golaha Degaanka oo ay muujinayeen qaar kamid ah Beelaha dega degmada Baraawe.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post