591 Views

doorashadii Aqalka Sare ee xalay ka baaqatay Magaalada Jowhar oo saakay dhacayso.

doorashadii Aqalka Sare ee xalay ka baaqatay Magaalada Jowhar oo saakay dhacayso.
____________________________________________________________________________

Axad: September 19, 2021

Kadib buuqii ka dhashay xalay doorashadii Aqalka Sare ee xalay ka dhacday Magaalada Jowhar ayaa waxaa Maanta lagu wadaa in la guda galo howlaha doorashooyinka, isla markaana la dhameystiro Saddexda Xubnood ee Maamulka Hir-Shabeelle uga harsan Aqalka Sare.

Kursiga buuqa uu ka dhashay ee doorashada loo hakiyay xalay ayaa waxaa ku tartamayay Cali Shacbaan Ibraab, CabduQlqaadir Xanafi Sheek Bashir, Cabdullahi Axmed Tawaad, Caasho Xuseen Abuukar & Cabdalle Cabdi Xuseen

Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Hir-Shabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa sheegay in Xildhibaano tiro yar ay buuq ka sameeyeen Goobta doorashada, kuwaas oo uu sheegay in  Guddiga anshax la  marin doono.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xildhibaannada buuqa ka sameeyay Goobta doorashada aysan jirin eax cabasho ah oo ay wadeen, balse kaliya fowdo ay sameeyeen lana xalin doono.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post