2040 Views

Ra’iisul Wasaaraha Khayre oo la kulmay Kuxigeenka Madaxa Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Khayre oo la kulmay Kuxigeenka Madaxa Midowga Yurub
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 2, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa la kulmay kuxigeenka Madaxa Midowga Yurub ahna Ergey sare Federica Mogherini.

Kulankan ayaa looga hadlay xaalada amniga dalka iyo sida Midowga Yurub gacan uga geysan karo qaabka dhismaha Ciidanka Soomaaliyeed ee la qorsheynayo in ammaanka dalka ugala wareegaan Ciidamada AMISOM.

Labada dhinac ayaa kulankooda diiradda ku saaray arrimaha siyaasadda, dib u habeynta iyo qaab dhismeedka Amniga, hanaanka doorashada Soomaaliya ee 2020.

Midowga Yurub ayaa ah taageeraha ugu weyn ee howl galka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana uu sanadkii ku bixiyaa mallaayiin dollar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta kaga qeyb galay xarunta Midowga Yurub ee Brussels shir looga hadlayay ammaanka iyo qorshaha kala guurka AMISOM oo la filayo in ciidanka Soomaaliyeed ammaanka dalka ula wareegi lahaayeen.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment