1011 Views
____________________________________________________________________________

Millateriga  Itoobiya oo sheegay  in dagaalkii 10-ka bilood ka socday ay ku dileen in ka badan 5,600 oo ka tirsan ciidammada fallaagada Tigray-d


Aaxad: September 5, 2021

Millateriga waddanka Itoobiya ayaa ku andacooday in dagaalkii 10-ka bilood ka socday waqooyiga dalkaasi ay ku dileen in ka badan 5,600 oo ka tirsan ciidammada fallaagada Tigray-da.

Colaaddaas ay dadka badan ayaa waxa ay dalkaasi ka taagneyd tan iyo bishii Nofeembar ee sanadkii tegay, hasayeeshee bayaanka uu soo saaray janaraalka sare ee Bacha Debele ayaanan sheegin waqti cayin oo dadkaasi lagu laalay.

Weriyayaasha ayaa sheegaya in suuragal ay tahay in tiradaasi laga soo minguuriyay dagaalladii ugu dambeeyay. Jeneraalka ayaa sheegay in sidoo kale 2,300 jabhaddaas ahi ay ku dhaawacmeen, halka ay nolol ku qabteen ku dhawaad lab kun.

Milyimaad shacab ah ayaa waajahaya macalluul uu khilaafkani sababay sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Jen, Debele, ayaa ku eedeeyey jabhadda TPLF Nin ay isku deyeyeen in ay kala gooyaan dalkaasi, xilli kooxduna weerarraro ka geysatay gobollada deriska la ah ee Amharada iyo Canfarta.

Illaa hadda se ma jirto wax jawaab ah o arrintan ku saabsan o ka timi dhanka TPLF.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post