1527 Views

Sicirka shidaalka dalka Kenya oo cirka isku shareerey iyo gaadiidkii oo qaali noqday

Sicirka shidaalka dalka Kenya oo cirka isku shareerey iyo gaadiidkii oo qaali noqday
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 15, 2021

Qiimaha batroolka ayaa noqday kii ugu qaalisanaa ee abid ka dhaca Kenya, taasoo dhalisay walaac ka yimid macaamiishii, kadib ku dhawaaqistii qiimaha ee hey’adda jaangoynta qiimaha Tamarta ee Kenya ee Epra.

Meelaha saameynta uggu ba’an uu ku yeeshay qiimaha sare-kacey ee shidaalka, ayaa waxaa kamid ah magaalada Wajeer, oo halkii liitar oo Baasiin ah uu haatan marayo ku dhawaad hal doolar iyo bar.

Haddaba qaar kamid ah dadka magaaladaasi oo la Hadley BBC-da, ayaa sheegay in sarfa kaca qiimaha shidaalka uu ugga sii darayo, nolosha oo markoodii horaba ay dadku la daalaa dhacayeen.

Dadka ka faalooda dhaqaalaha, ayaa u aaneynaya sare u kaca sicirka shidaalka canshuurta dowladda, ee xad dhaafka ah, taasoo lagu soo rogey shidaalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post