456 Views

Galmudug oo ka hadashay mowqifkeeda ku aadan khilaafka cusub ee doorashada

Galmudug oo ka hadashay mowqifkeeda ku aadan khilaafka cusub ee doorashada
____________________________________________________________________________


Talaado: April 5, 2022

 

Dowladda Goboleedka Galmudug ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay aad uga walaacsantahay xaaladda khilaafka kasii daraya ee hanaankii doorashada oo marayay meel gebogabo ah.

Galmudug ayaa sheegtay inay ka xuntahay in doorashooyinkii oo heer gebogebo ah maraya la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici karta dhameystirka doorashooyinka.

“Galmudug waxay garawsantahay in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol, go’aan kasta oo hal dhinac ahna wuxuu khatar galin karaa wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran.Dowladda Galmudug waxay adkayneysaa baahida loo qabo ilaalinta hanaankii lagu heshiiyay, taasoo xaqiijineysa khilaaf kasta in lagu xaliyo wadajirka Madasha Wadatashiga Qaranka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post