1374 Views

Sawirro:-Madaxweynaha Somaliland Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Burco

Sawirro:-Madaxweynaha Somaliland Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Burco
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 15 2019 —Madaxweynaha Somaliland iyo wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo, ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco iyo magaalooyinka dhinaca galbeed kaga teedsan.

Madaxxweynaha iyo weftigiisa oo ku gudo jira maalintii labaad ee safar shaqo oo ay ku marayaan qaar kamid ah gobollada dalka, ayaa maanta gaaray magaalada Burco, waxana jidadka waaweyn ee magaalada si ballaaran ugu soo dhaweeyey dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco, kuwaas oo ku lebisan calanka Somaliland, caleemo qoyanna lulayay.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Burco, ayaa si aan kala hadh lahayn uga qaybgalay soo dhaweynta madaxweyaha iyo weftigiisa, iyada oo hormuudka dhaqanka, maamulka gobolka Togdheer iyo degmada Burco, aqoonyahanka iyo waxgaradka deegaanku madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortageen dhinaca galbeed ee magaalada Burco.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment