1434 Views

Madaxweyne Qoor qoor iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhinaca dhulka ah ku tagay Galkacyo

Madaxweyne  Qoor qoor iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhinaca dhulka ah ku tagay  Galkacyo
____________________________________________________________________________

May 14 2021

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhinaca dhulka kaga soo ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka ayaa ku gaaray Magaalada Galkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa Gaalkacyo waxaa kusoo dhaweeyay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska dowladda Federaalka General Kaniif oo Maanta halkaas gaaray iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ku hakaday Magaalada Cadaado oo uu kula kulmay Mas’uuliyiinta Magaalada iyo Odayaasha dhaqanka, isagoo kala hadlay xaaladda guud ee Cadaado iyo amniga.

Ujeedka Madaxweyne Qoorqoor ee Gaalkacyo ayaa waxaa uu yahay xal ka gaarista qalalaaso ka dhashay dilkii dhawaan halkaas loogu gaystay Sheekh Cali Axmed Faarax (Sheekh Cali Dheere) oo la tilmaamay inuu ahaa Samafale.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehlinaayay Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlad Goboleedka Galmudug, iyagoona saakay ka ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post