1212 Views

Dhismaha xarunta wasaaradda Qorsheynta Galmudug oo maanta la dhagax dhigay

Dhismaha xarunta wasaaradda Qorsheynta Galmudug oo maanta la dhagax dhigay
____________________________________________________________________________

May 20 2021

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo Xiriirka caalamiga ah ee Galmudug, Cabdinaasir Geelle Cilmi iyo gudoomiyaha caasimadda Galmudug Macalin C/raxmaan Geeda Qorow ayaa maanta  dhagax dhigay dhismaha cusub ee wasaaradda Qorsheynta Galmudug.

Mashruuca lagu dhisayo xarunta wasaaradda ayaa qeyb ka ah barnaamijka Biyoole  oo uu maalgelinaya Bankiga Adduunka.

Halkan oo hore u aheyd guriga marta ayaa laga hir galin doonaa dhisme ka kooban dhowr qeybood oo isugu jira xafiisyo iyo dhismayaal kale oo dhamaantood ay adeegsan doonaan howl wadeenada Wasaaradda qorsheynta Galmudug.

Gudoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa kaga mahad celiyay madaxwaynaha Galmudug go’aanka uu qaatey ee dhulkan loogu badalayo Xarunta Wasaaradda qorsheynta taasi oo uu xusey in ay qayb ka qaadan doonto bilicda Caasimada.

Wasiirka Qorsheynta Galmudug Cabdinaasir Geelle Cilmi ayaa sheegay in dhismaha xarunta uu bilaaban doono todobaad gudahiis, sida uu qorshuhu yahay.

Office nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post